Hadalkii Abiy iyo qorshaha cusub ee dalka Ethiopia oo walaaciyey Somali badan

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay in dalkiisa uu dhisanayo ciidamada badda iyo maraakiib dagaal, inkasta oo ay jirto in Ethiopia aysan lahayn wax bad ah, oo ciidamadaas ay ka howl-galaan.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa durba billaabay inay is-weydiiyaan sida dal aan bad lahayn uu ciidan bad ku yeelan karo. Is-weydiin kaliya maahee, qaarkood ayaa billaabay inay ka wallaacaan hadalka Abiy Ahmed iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya.

Baraha bulshada ee Soomaalida ku sheekeystaan sida facebook, ayaa walaaca ugu weyn ee ka taagan, waxa uu yahay in Ethiopia ay isku haleeneyso badda Soomaaliya, oo ciidankeeda halkaas ay fariisin u noqon doonto.

Sanadihii dhowaa Ethiopia waxa ay si muuqata u maamuleysay maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaana dadka qaar walaaciyey in qorshahoodu yahay in ay Soomaaliya kusii hayso marxaladdan ah maamulo badan oo is-garab ordaya, si ay taas uga faa’iideysato, una maamusho xeebaha Soomaaliya.

Heshiiska dhowaan ay shirkadda DP World la gashay Somaliland ee dekedda Berbera, oo Ethiopia laga siiyey 19%, inkasta oo aysan wax shaqo ah ku lahayn, ayaa dadka qaar tusaale usoo qaateen inuu muujinayo heerka uu gaarsiisan yahay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya.

Marka laga soo tago Somalia, afarta dal ee kale ee Ethiopia xuduudda la leh ee xeebaha leh, dhammaantood waa dalal leh dowladi dhisan oo shaqeynaya oo awood leh, waana Kenya, Sudan, Jabuuti iyo Eritrea. Sidaa darteed Ethiopia kuma gardarroon karto, waxaana dal kaliya ee baylahan uu u muuqdaa Soomaaliya.

Waa wax laga dhursugayo, halka ay ciidamada badda Ethiopia ee la dhisayo ka howl-galaan, hase yeeshee Soomaalida xaq ayey u leeyihiin inay ka walaacaan qorshahan.

Bal inoo sheeg, sida ay adiga kula tahay, adiga oo fikirkaaga kusoo diraya: caasimada@live.com