Axmed Madobe ma jebiyey xayiraaddii Kismaayo ee DF mise waa laga qaaday?

Waxay aheyd go’aan adag oo aan ka imaanin qof kaliya in xoog lagu qaado xayiraadii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku soo rogtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose 29-kii bishii August ee sanadkaan 2019.

Mudadaasi waxaa magaalada la geliyay xaalad adag oo dhanka duulimaadka ah waxaana ka dhashay doodo is-diidan oo siyaasadeed iyo xaalad kale oo dhanka amaanka ah oo dalka gelisay qal qal xoog leh.

Xayiraadii magaalada saarneed waxaa jebiyay diyaaradii Kismaayo ka digtay sabtadii la soo dhaafay ee todobaadkaan, taas oo ka soo kacday Nairobi, duulimaadkeedii labaad-na shalay ayuu ku degay Kismaayo, sida ay noo sheegeen Weriyaal ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa maaro u weysay diyaaradaasi oo dalka ku joogta sifo aan sharci aheyn maadaama ay dowladda Soomaaliya raali ka aheyn waxaana la sheegay in ay sii joogi doonto inta uu ka dhamaanayo khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubabaland.

Dowladda Soomaaliya markii ay celin waysay diyaaradaasi islamarkaana ay u aragtay in talo faraheeda ka baxeen ayay soo gaba-gabeysay xaaladii saarneed Kismaayo, waxaana caadi u tagayay duulimaadka rayidka ah oo aan muddo ka bixin Muqdisho iyo meelo kalaba.

Su’aasha joogtada oo ay is weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ah “Axmed Madoobe ma ka guuleestay Farmaajo”. Waxaa jira loolan adag oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalanad kaas oo ay dadka Soomaaliyeed intooda ugu badan ku micneeyeen tartan bilaaw u ah doorashada Soomaaliya oo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Farmaajo si loo ilaashado doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Axmed Madoobe waxa uu ku guuleestay in uu jebiyo kana gudbo xayiraadii magaalada iyo in uu Kismaayo ku qabto doorasho aysan goob joog ka aheyn dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la sheegay in uu ku guuleestay Axmed Madoobe markiisii 3-aad ee hogaanka Jubbalaand.

Mar hadii uu dhaafay 2-dii caqabood ee ugu adkeyd Axmed Madoobe maka gudbi doonaa culeesyada kale ee horyaala? Maxay ku dambeyn doontaa Jubbaland?

Dhinaca kale maxaa laga filan karaa dhanka dowladda federaalka Soomaaliya oo u muuqato in ay ku guul dareysatay qorshaheedii baajinta caleema saarka Axmed Madoobe. Tani maloo qaadan doonaa in Kismaayo ay noqon doonto magaalada kaliya ay ku kulmi doonaan saldhigna u noqon doonto siyaasiinta dowladda ka soo horjeeda ee ka cabanaya caburin iyo weerarka Xukuumadda?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com