30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Axmed Madobe oo aqbalay go’aannadii Amisom kana laabtay mowqifkiisii hore

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn aqbalay in doorashada lagu qabto xarunta Qaramada Midoobay ee ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ogolaaday in amniga doorashada lagu wareejiyo ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Saacadaha soo socdo ee maanta ayey ciidamadani la wareegi doonaan goobaha doorashada, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo laga dareeyamayo magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta.

Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga doorashada Jubbaland.

Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan August, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News