Feysal Falaalug oo markale weerar ku qaaday Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale Jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Feysal Falaalug xalay ay ku qaaday ciidamada maamulka Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay Jabhaddani oo la magac baxday Xoreynta gobolka Sool la beegsatay xarunta qeybta Booliska ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee maamulka Somaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal foolka fool ah oo socday muddo hal saac ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa in dableydii weerarka qaaday ay isaga laabtay halkaasi.

Habeen ka hor ayey aheyd markii ay isla jabhaddani weerar ku qaaday xerada Buurta Sayidka oo ay dagan yihiin ciidamada maamulka Soomaaliland, taas oo ku taalla duleedka magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
caasimada@live.com