Axmed Madobe oo shuruud ku xiray inuu magacaabo xubnaha Jubaland ee guddiyada doorashada

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, uu diiday inuu soo magacaabo xubnaha afarta ah ee Maamulka Jubaland uga mid noqonayo, guddiyada doorashada iyo xilinta khilaafaad ee doorashada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Villa Somalia u sheegay in Jubaland aysan ka qeyb qaadan doonin doorashada Soomaaliya ilaa Gedo laga soo saaro ciidanka dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiskiisa.

Maamulka Jubaland ayaa diidan in ay dhacdo doorashada Soomaaliya ilaa ay dowladda ciidankeeda kala baxdo Gedo oo ay ku sugnaayeen bilooyinkii la soo dhaafay.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Gedo islamarkaana Axmed Madoobe taageersanaa, dagaal siyaasadeed oo weynna la galay Madaxweyne Farmaajo, ay Axmed Madoobe ku dhaliileen inuu soo dhiciyay kuraasta Xildhibaanada beeshiisa ee u halgamay halka kuwii kale Farmaajo qoyskiisa ahaa islamarkaana isaga xigsaday uu dayacay waxeyna arrintaas keentay in Axmed Madoobe adkeeyo fulinta doorashada Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in Jubaland ay gudbisay xubnaha guddiga balse lagu soo celiyay kadib markii ay dhamaantood ka dhigtay islamarkaana ay ka gudubtay qoondada dumarka oo hore loogu heshiiyay.

Lama oga sida uu ka dambeen doono xiriirka sii xumanayo ee Jubaland iyo Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku saabsan arrimaha gobalka Gedo.