Maxay dowladda Turkey ka tiri weerarkii Faransiiska lagu qaaday kadib gefkii ay u gaysteen Nebiga NNKH?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga, oo dhowaanahan xiriir aan wanaagsanayn la lahayd dowladda Faransiiska, ayaa cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Weerarkaas oo toorrey loo adeegsaday ayaa lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay.

Labadan qof ayaa kala ahaa haweeney iyo nin lagu gowracay gudaha kaniisadda, sida ay wararku sheegayaan.

Haweeney kale oo ku carartay maqaayad u dhoweyd goobta uu weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in qofka weerarka fuliyay uu dhowr jeer toorrey ku dhuftay, dhaawac ka soo gaarayna ay u geeriyootay.

Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid “wuxuushnimo ah” oo aan la aqbali karin waxayna sheegtay inay sida ugu xooggan u cambaareyneyso.

Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan ka carootay hadallo ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, kaas oo ka dhan ahaa “diinta islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH”.

Faransiiska iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiisad xooggan kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan u uku baaqay in “maskaxda laga baaro” madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu ugu gefay Islaamka.

Macron ayaa ka carreysiiyey Muslimiinta kadib markii uu cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.