Axmed Madoobe iyo Deni oo ‘kulan la qaadanaya’ beesha caalamka ka hor Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho oo si aad looga dareemayo qaban-qaabada soo dhoweynta Axmed Madoobe & Deni.

Wararka ayaa sheegaya in labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ay marka hore kulan gaar ah la qaadan doonaan xubnaha beesha caalamka, kaas oo ka dhacaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ka hor inta aysan la kulmin Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in beesha caalamka iyo labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan arrimaha doorashada iyo shirkii Dhuusamareeb 3.

Waxa kale oo ay isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan wada-hadallada ay la geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisada u dhexeysa dhinacyadaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Axmed Madoobe iyo Deni oo aan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa ka soo horjeeda qodobo ka mid ah heshiiskii lagu gaaray gudaha magaaladaas, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso 2020/21.

Shirka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah ayaa waxaa u jeedadu u tahay in lagu gaaro xal mideysan.

Si kasbtaba ha’ahaatee beesha caalamka ayaa cadaadis xoogan saartay madaxda Jubbaland iyo Puntland, taas oo keentay inay aqbalaan imaashaha Muqdisho.