Booliska UK oo lacag dul dhigay madaxa Cabdi Cali

London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa madaxiisa dul dhigay lacag muwaadin Somali British ah oo labo sano ah baadi goob loogu jiray, kaasoo lala xiriiriyay dil ka dhacay magaalada Cleethorpes.

Abdi Ali oo leh magacyo kala duwan sida Madman, Madders ama Gulaid ayaa lala xiriiriyay inuu qeyb ku lahaa dil 2018 lagu khaarijiyay Shaun Lyall, 47-jir, meydkiisana laga dhex-helay guri uu ku noolaa bishii July, 2018-kii. Ciidamada booliskana waxay xaqiijiyeen in jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo gaaraya 170.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan $6,666 la siin doono qofkii keena xog ku saabsan soo qabashada Abdi Ali.

Kiiskan waxaa horey xabsi daa’in loogu xukumay Craig Whittle oo lagu waramay in ay fal-dambiyeedka isla geysteen, isla markana biqiyay xogta ku saabsan Abdi Ali.

Booliska ayaa soo bandhigay astamaha lagu garan karo Abdi Ali oo leh Ilkahiisa hore dahab, wuxuuna badi adeegsadaa magacyadda Madman, Madders ama Gulaid”.

Haddii gacanta lagu dhigo Abdi Ali ayaa wuxuu wajahi karaa xabsi daa’in cimrigaa haku furto ah.

Muwaadinkaan Somali Britishka ah ayaa wuxuu ka tirsan yahay koox dilaayaal ah isla markaana derogadaSaxaafadda Britain ayaa warisay in Cabdi Cali uu ka tirsan yahay koox burcad ah oo ciidamadda Cleethorpes aad u doon-doonayaan.

Fal-dambiyeedyadda ay kamid yihiin dhaca iyo dilalka loo adeegsado Tooreyda ayaa ku badan gudaha Ingiriiska, iyaddoo qaarkood ay ku lug-yeeshaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo xukuno culus lagu rido.