Ammaanka Muqdisho oo maanta la adkeeyey iyo jidad badan oo la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo maanta ay ku soo wajahan yihiin labada Madaxweyne ee maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa la dhigay isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidamada ayaa celinaya gaadiidka isaga kala gooshaya jidadkaasi, iyaga oo ku amraya inay kala wareegaan, waxaana taasi ay keentay inay shacabku lugeeyaan.

Waddooyinka ku dhow Garoonka Aadan Cadde ayaa gabi ahaan la xiray, halkaas oo ay saacadaha soo socda ay ka soo dagi doonaan Axmed Madoobe iyo Deni.

Waxaa sidoo kale la xiray qeybo badan oo ka mid ah waddada Makka Al-Mukarrama iyo dhammaan jidadka dhinac mara xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa wada-hadallo la leh Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankooda uu ka dhici doono xarunta Xalane.

Intiisa waxaa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka oo tabasho ay ka muujinayaan labada hoggaamiye.

Shirkan ayaa daba-scoda kii Dhuusamareeb, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, balse waxaa ka maqnaa madaxda Jubbaland iyo Puntland.