Axmed Madoobe iyo Deni oo war xasaasi ah ka soo saaray shirarkii Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbalnad iyo Puntland oo maalmihii u dambeeyey shirar ku lahaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka arrinsadeen xaaladda guud ee  dalka, si loo gaaro xal siyaasadeed, ka hor doorashooyinka 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay wada-hadal dhanka teleefanka la yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ay isla garteen in xal mideysan laga gaaro xaaladda dalka, gaar ahaan arrimah doorashooyinka dalka.

War-murtiyeeedka ay soo saareen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa sidoo kalelagu sheegay  inay wada-hadal la geli doonaan dowladda federaalka ah, islamarkaana ay imaan doonaan Muqdisho oo uu ka dhici doono shirweyne wada-tashi ah oo dhex-mari doono madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyd kale ee dalka.

Ugu dambeyn waxaa lagu sheegay in warsaxaafadeedka inay labada dhinac ay ka wada-hadleen iskaashiga ka dhexeeya Jubbaland iyo Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmdug lagu soo gabagabeeyey shir ay ka maqnaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee sanadkan ka dhaceysa dalka.