Shariif Xasan oo sanado kadib dib ugu soo laabtay dalka + Ujeedka

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano iyo wasiiro.

U jeedka safarkiisa ayaa waxaa lagu sheegay inuu qeyb-ka yahay is-bedalka siyaasadeed ee dalka, isagoona ka qeyb qaadan doono arrimaha doorashaa ee 20/21.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo ka bilaabi doono gudaha magaalada caasimadda Muqdisho, isaga oo marka hore la fariisan doono Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuued iyo Sheekh Shariif Sheekh oo haatan ay saaxibo dhow yihiin.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu warbaahinta u qabto shir jar’aaid, kana hadlo xaaladda siyaasadeed dalka, gaar ahaan xilliga kala guurka ee haatan lagu jiro.

Si kastaba ha’ahaatee socdaalka Shariif Xasan ayaa ku soo aadaya, iyad haatan uu dalku ku jiro marxlad doorasho, islamarkaana ay bilaaban doonaan wada-tashiyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.