Maxkamadda gobolka Banaadir oo markale xukuno adag ku ridday mas’uuliyiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale xukunno adag ku riday mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomalaiya, kuwaas oo lagu helay xatooyada Xoolo dadweyne.

Xukunka ay ridday maxkamadda ayaa isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed, kadib markii xubnahaas oo ka kala tirsan wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo milkiiliyaal shirkadeed lagu helay masuq ay sameeyeen, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Halkan hoose ka aqriso magacyada dadkaasi iyo xukunnada lagu riday:

1-Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 255,25,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $ 1,183 USD.

2-Khadar Aweys Xasan Maamulka Shirkadda Alxabiib Business Centre waxaa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1183 dollar.

3-Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shillin Soomaali ah oo u dhiganta $137, 907 USD.

4-Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 88,725,000 oo Shillin Soomaali ah isla markaana $3,549 USD, sidoo kale waxaa lagu amray in qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday.

Si kastaba ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii agaasimeyaaal iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo lagu riiday xukunno adag, kadib markii lagu helay musuq-maasq.