Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay guddoomiyihii hore ee maamulka Gedo, Axmed Buulle Gareed.
Kulankan ayaa ka dhacay hoyga uu Axmed Madoobe ka dagan yahay magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalaynta maamul goboleedka Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.
Axmed Madoobe ayaa marka hore labada mas’uul ka dhagaystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda wax ku oolka ah ee ku aadan arrimaha Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.
Sidoo kale waxaa kulankan si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda gobolka Gedo iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanka.
Waa markii ugu horreysay ee si foolka fool ah ay isku arkayaan madaxweynaha Jubbaland iyo Axmed Buulle Gareed oo muddo diidanaa maamulka Axmed Madoobe.
Ninkan ayaa waxaa gobolka Gedo u magacowday dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Farmaajo, kadib markii uu xoogeystay khilaafka labada dhinaca, Gedana ay ka hartay Jubbaland, waxaana tan iyo markaas soo socday dagaal siyaasadeed oo aad u xoogan.
Kulankooda wuxuu ku soo aaday, xilli haatan heshiis laga gaaray xiisaddii gobolka Gedo, isla-markaana ay Jubbaland ay la wareegtay gacan ku heynta gobolkaasi.
Arrintan ayaa ku timid, kadib markii ay dowladda Soomaaliya garab siisay dowlad goboleedka Jubbaland oo maamul cusub dhowaan u magacowday Gedo.
Maamulka cusub oo uu hoggaaminayo Cabdullaahi Shimbir ayaa isku ballaariyay gobolka oo dhan, kadib markii uu wada shaqeyn la yeeshay dhammaan maamullada degmooyinka.