DF oo soo saartay warbixin ka dhan ah shirkadaha FAVORI LCC iyo Albayrak + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hantidhowraha guud ee qaranka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin xasaasi ah oo ka dhan ah shirkadaha Favori LLC iyo Albayrak oo kala maamula garoonka diyaaradaha & dekada weyn ee magaalada Muqdisho.

Hantidhowraha qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa shaaciyay in labada shirkadood aysan soo gudbin xisaab xirkooda oo laga rabo 90 cisho kadib dhammaanka sanad kasta.

“Labada shirkadood middoodna lama wadaagin xisaabiyaha guud ee dowladda warbixintooda maaliyadeed oo soo martay baarista hantidhowr, si loo caddeeyo cadadka lacageed ee dowladda federaalka Soomaaliyeed ay yeelaneyso,” ayuu yiri hantidhowra

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xafiiskiisa uusan awood u yeelan inuu arko warbixinta maaliyadeed ee shirkadaha Favori LLC iyo Albayrak, si loo xaqiijiyo heshiiska dheef wadaagga ah ee ay kula jiraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Sidaas daraadeed awood uma yeelan mana arkin si madax bannaan macluumaad aan ku xaqiijiyo in khidmadda dheef wadaagga ah oo dhan 32.4 milyan ay tahay mid si dhab ah loo xisaabiyay marka la fiiriyo cadadka dakhliga ay labada shirkadood qabteen iyo saamiga dheef wadaagga ah ee dowladda Soomaaliya uga soo aadayo dakhligaas” ayuu raaciyay.

Guutaale ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay xaq ugu leedahay shirkadda Favori LLC 25% oo kamid ah dakhliga ay ka qabato garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay shirkadda Albayrak oo iyaduna maamusha dekdda weyn ee Muqdisho xaq loogu leeyahay 62.17% oo kamid ah dakhliga ay ka qabato gudaha dekedda.

“Si waafaqsan heshiisyada dheef wadaagga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha Favori LLC iyo Albayrak waxa ay dowladdu xaq u leedahay inay hesho 25% dakhliga ay qababato Favori LLC iyo 62.17% dakhliga ay qabato Albayrak” ayuu mar kale yiri.

Shirkadahan gacanta ku haya garoonka iyo dekedda oo ah kuwa shisheeye ayaa ujeedka loogu dhiibay labadaan il dhaqaale wuxuu yahay inay hormariyaan garoonka iyo dekadda.