26.2 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Axmed Madoobe iyo reer Jubaland “maanta way ka roonaadeen Kheyre”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa madaxweynaha iyo shacabka Jubaland ku ammaanay inay si wanaagsan usoo dhoweeyeen ra’iisul wasaare Kheyre in kasta oo xukuumaddiisa ay aad u xumeysay.

“Reer Jubbaland iyo hogaamiyahoodu gobonimo ayey muujiyeen halka ay gaarsiiyeen soo dhoweynayta Kheyre, waxey liqeen wax kasta oo ay u qabeen xukuumadiisa colka la ahayd maamulkooda” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiis facebook.

Waxa uu sidoo kale sheegeen in “Tusiyeen In magaalo nabad iyo xasilooni harsanaysa ay ku nool yihiin taasoo ah nabaddii ay xukuumaddiisu ku fashilantay In ay ka hirgaliso MUQDISHO”

“Waxaan rajaynayaa In Soo dhoweyntaas iyo niyadsamida Jubbaland ay idinku Soo dhowaysay aydnaan dhabarka ka toogan doonin sidii caadadu ay aheyd, kuraasta aad ku fadhidaana aad iimaansataan, qarankana aad ugu shaqaysaan oo aydaan u Soo hanqal taagin kuraasta gobolada dalka.” Ayuu yiri Fiqi

“Waxaan ku rajaweynahay in Jubbaland ay fure u noqon doonto isfaham, wada shaqeyn ku salaysan dastuurka iyo is-tixgelin dhexmarta dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada, taasoo u adeegaysa midnimada dalka iyo danta qaranka.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News