Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa socdaalka Madaxweynaha maamulka Jubbaland uu ku joogo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka ethiopia.
Wararku waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe looga yeeray magaalada Addis Ababa si loogala hadlo Siyaasadihii ugu danbeeyay ee ka taagnaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Safarka Axmed Madoobe ayaa ku qotoma 2 arrin oo ahmiyad gaar u leh Dowlada ethiopia kuwaasi oo kala ah:-
1-Xal ka gaarista is maandhaaf ka taagan ciidamada Barre Hiiraale oo la dajiyey gudaha magaalada Kismaayo kuwaasi oo ku jira gacanta Ciidamada ethiopia.
2-Arrimaha doorashooyinka, ololaha, dhismaha Xildhibaanada cusub, Golaha wasiirada cusub ee maamulka uu yeelan doono.
U yeeritaanka Axmed Madoobe ee Addis Ababa ayaa la doonayaa in lagu xaliyo Muranka Ciidamada Barre Hiiraale, waxa ayna Dowlada ethiopia xooga saareysaa in Ciidamadaasi ay si gaar u hantiso si aan gacanta ugu galin Ciidamada Kenya ka jooga Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu horey u soo jeediyay in ciidamadaas hubka laga dhigo, laakiin talaabadaas ayaan u noqon mid ay soo dhaweeyeen qaar kamid ah siyaasiinta dawladda Soomaaliya ku jira.
Inta ay socdaan kulamadan ku saleysan arrimaha Ciidamada Barre Hiiraale, ayaa waxaa sidoo kale barbar socon doona arimaha la xiriira doorashada sanadkan ka dhaceysa Soomaaliya.
Dowlada ethiopia ayaa maamulada dalka u meerisa Siyaasadooda iyo waxa ay qaban lahaayen, waxaana la filayaa in iminka ay Jubbaland kasoo dhisto Qaabka loo magacaabi lahaa Golaha Wasiirada maamulkaasi, Xildhibaanada cusub iyo arrinta Ciidamada Barre Hiiraale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

