Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi laga soo eryay Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan iyo qoyskiisa.
Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan iyo Qoyskiisa ayaa la sheegayaa inay Hanjabaado kala kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo shaqsi ahaantiisa u arka inuu yahay mid kasoo horjeeda Siyaasada Jubbaland.
Mataan, waxa uu sheegay in weerarkii ugu danbeeyay ee lagu qaaday Hooygiisa iyo Hanjabaadaha is xigxiga ee loo geystay uu ka danbeeyay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan).
Mataan waxa uu sheegay in maalmihii ugu danbeeyay uu deegaankiisa kaga sugnaan waayay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland oo uu sheegay in dhowr jeer uu kusoo qaaday weerar qaawan isaga iyo ciidamo uu watay.
Mataan waxa uu iminka sheegay in Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo uu kasoo guuray gelinkii dambe ee shalay si uu u helo nabadgalyo ka duwan tii uu ku heystay Degmadaasi.
Isagoo la hadlaayay Warbaahinta, ayuu sheegay in iyadoo aanu wax dagaal ihi ka dhicin Degmada Beled Xaawo inuu isaga baxay hoygiisi, si aan loogu dul dagaalamin dadka deegaanka.
Waxa uu sheegay in ujeedka loo beegsanaayo misna loo ugaarsanaayo ay tahay ka hor imaanshiyaha dhibaatada Jubbaland ay ku heyso dadka shacabka ah.
Docda kale, Xildhibaan Mataan, waxa uu iminka cod dheer ku sheegay in dibadda uu ka jooggi doono Degmada Beled Xaawo, illaa iyo inta xal looga helaayo xiisadda kala dhaxeysa siyaasiyiinta kale ee Gobolka u dhashay, sida uu yiri.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

