28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: C/Wali Gaas oo waqtigiisa ku lumiyay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo wali ku sugan magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaaya ganacsatada dalkaasi iyo xubno la sheegay inay yihiin maalqabeeno.

Maalqabeenadaasi uu C/wali Gaas la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud iyo Waliid bin Dalaal bin Cabdicasiis Aala Sucuud oo ah maalqabeeno si weyn looga yaqaano caalamka.

C/wali Gaas, ayaa Maalqabeenadaasi sharaxaad kasiiyay Kheyraadka ku jira dhulka maamulka Puntland iyo qaababka ugu sahlan oo ay uga faa’iideysan karaan.

C/wali Gaas, waxa uu Maalqabeenadaasi ka dalbaday inay ganacsi gishtaan goobaha ugu haboon, isaga oo u ballanqaaday inay ka saacidi doonaan helida fursado badan.

C/wali Gaas, waxa uu Maalqabeenadaasi ka dalbaday in maamulka Puntland kala shaqeeyaan dardar gelinta mashaariicaha horumarineed ee ay ku hawllan tahay iyo keenitaanka mashaariic hor leh oo laga hirgeliyo deegaanada maamulka.

C/wali Gaas, waxa uu Maalqabeenadaasi u sheegay in leysku haleynkaro amniga deegaanada maamulka, waxa uuna ballanqaaday sugida amnigooda goob waliba oo ay ka damcaan mashaariic.

C/wali Gaas, ayaa inta badan safarkiisa xooga saaraya ganacsiga shisheeyaha si halkaasi looga helo dhaqaale.

Tan iyo markii la doortay C/wali Gaas waxa uu galaayay Safaro aan ka yareen bil bil, isaga oo wakhtigiisa inta badan ku lumiyay Safaro aan mirro dhalkeeda muuqan.
gaas1

gaas2

gaas3

gaas4

gaas5

- Advertisement -

Read more

Local News