Axmed Madoobe oo amray in dad gaar ah ay isaga guuraan Kismaayo, Sabab?

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa ku armay qaar ka tirsan Shacabka ku nool Magaalada in ay si DEG DEG ah uga guuraan Magaalada, haddii kale si Qasab ah looga saarayo.

Axmed Madoobe, ayaa Fariintan usoo mariyay Shacabka Ninka ugu magacaaban Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo Ibrahim Maxamed Yuusuf oo Saxaafada la hadlay.

Ibrahim Maxamed Yuusuf, ayaa u gudbiyay Shacabka Fariin Digniin Xambaarsan, oo u muuqatay mid uu ku doonayo Axmed Madoobe in Dadka aan ku “Heeb/Qabiil” ahayn in la saaro Magaalada Kismaayo, ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xaafado qaar oo ka tirsan Kismaayo, ayaa ka socda Barakac xoogan, waxaana ay Dadka ka Cabsi qabaan in Dhibaatooyin u gaystaan Maleeshiyada Raas Kambooni ee Axmed Madoobe.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka, ayaa sheegay in Goobaha Baabuurta laga raaco Magaalada ay yihiin kuwa Mashquul badan oo ay isaga baxayaan Magaalada Dadka.

Bilooyin kahor, Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Kismaayo uusan ku noolaan doonin Qofkii kasoo horjeeda Maamulkiisa iyo Qofkii uu Qarax ama Dil ka dhaco Gurigiisa Meel u dhow.

Maalmihii ugu dambeeyey qaar ka mid ah beelaha dega Kismaayo, ayaa ka cabanayey in si gaar ah bartilmaaameed ay ugu yihiin maleeshiyada Raaskambooni, waxaana maalin kasta magaalada ka dhaca dilal qorsheysan, oo ka dhan ah dad gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com