Axmed Madoobe oo arrimo xasaasi kala hadlay safiirka Jabuuti u fadhiya Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday is mari-waaga ka taagan doorashada 2021-ka, si xal mideysan looga gaaro.

Sidoo kale labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la dardar-geliyo shirka u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedyada ee doorashooyinka.

“Waxaa maanta booqasho iigu yimid Safiirka Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Danjire Aadan Xasan Aadan, oo aan ka wada hadalay arimaha Doorashada dalka iyo dardar galinta shirka soo socda ee lagaga hadlayo arimaha Doorashada,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

Maamulka Kismaayo ayaa ka mid ah maamullada ay sida weyn isugu hayaan doorashada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana khilaafka uu soo taagnaa sanadihii dambe.