Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Ethiopia, sababo la xiriira TIGRAY

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay go’aansatay inaysan qaadin hakad ay ku sameysay kaalmada la siiyo Ethiopia ee inta badan la xiriirta qeybaha amniga, maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken uu ficillada ka socda gobolka Tigray ku qeexay isir sifeyn.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda, Ned Price ayaa sheegay in Mareykanka uu go’aansaday inuu dib u billaabo kaalmooyinka la xiriira caafimaadka iyo cuntada, balse dhammaan kuwa la xiriira amniga ay hakad kusii jiri doonaan.

“Sababo la xiriira xaaladda Ethiopia ee aiminka, waxaan go’aansannay in aynan qaadin hakad la geliyey kaalmooyinka barnaamijyada amniga,” ayuu Ned Price ku yiri shir jaraa’id.

Blinken ayaa ku cadaadiyey Ethiopia inay soo afjarto colaadaha Tigray, wuxuuna Arbacadii, isaga oo ka hor hadlaya Congress-ka, sheegay inuu doonayo in ciidamada Eritrea iyo Amxaarada ay ka baxaan gobolka, laguna beddelo kuwa amni “oo aan ku xadgudbi doonin xuquuqda aadanaha dadka Tigray ama aan gaysan doonin ficiilo isir sifeyn ah,” oo lagu arkay galbeedka Tigray.

Kumanaan qof ayaa ku geeriyooday, boqolaal kun oo kalena waxaa lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda, waxaana gobolkan oo ay ku nool yihiin shan milyan oo qof ka jira cunno yari, biyo iyo dawo la’aan.

Blinken, oo Khamiistii taleefon kula hadlay xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa kala xaajooday muhiimadda baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka, sida ay sheegtay Waaxad Arrimaha Dibedda.

QM ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in ciidamada Eritrea ay hol-galayaan inta badan waqooyiga gobolka Tigray, waxaana jira warbixino sheegaya inay mas’uul ka yihiin xasuuqa ka dhacay gobolka.