AXMED MADOOBE oo baaq culus u diray Soomaalida

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab shalay ku qaaday hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bogiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab ee uu ku sheegay inay tahay koox horror ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay illaa daqiiqadihii ugu dambeeyey naftooda u hureyn sidii ay usoo badbaadin lahaayeen dadka shacabka ee ku xayirnaa gudaha Hotel Tawakal, oo ah Hotel ay dagaan siyaasiyiinta iyo odayaal dhaqameedyada.

“Waxaan tacsi u dirayaa dadka aan waxba galabsan ee ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo halkaas oo argagixisadu ay doonaysay inay ku layso dad badan oo shacab ah balse ay qaar badan oo dadweynahii goobta ku sugnaa ah ay soo badbaadiyeen Ciidamada amniga,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu qoraalka ku yiri “Waxaan bogaadinayaa dhammaan Ciidamada kala duwan ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii argagixisada anigoo Alle uga baryaya inuu janadii fardowso ka waraabiyo dadkii ku shahiiday goobta si gaar ahna Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayiraa dhismaha”.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa baaq u diray shacabka “Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhadada aan maanta ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii argagixisada hororka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn,” ayuu kusoo xiray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo la xaqiijiyey inay ku dhiteen 9 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 47 qof oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la xaqiijiyey inay kamid ahaayeen arday ka timid iskuulada oo xilligii weerarka dhacayey isticmaalayey wadada uu ku yaalo Hotelka.