Saciid Deni oo ku dhowaaqay go’aan ku saabsan kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 51-aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo arrimaha Puntland.

Saciid Deni, oo si gaar ah uga hadlay dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dagaalkaas, oo ay ku biirto.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhibaato ku tahay horumarka guud ahaan dalka, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxdaan.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadayo xilli qeybo kamid ah dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Kacdoonka looga soo horjeedo kooxdaan ayaa si xowli ah uga socdo gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana kooxdaan laga saaray deegaano badan oo ay ku sugnaayeen.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho ay guddi u saareen soo qiimaya waxyeeladu intay leeg tahay , sidoo kalena ay soo dhamaatay daraasad ku saabsan si xal waara looga gaaro daadadka soo noq noqday.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland degmooyin badan oo katirsan laga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, taasina ay tahay qorshaha Xukuumaddiisa.