Axmed Madoobe oo codsi yaab leh oo ku saabsan guddiyada doorashada u jeediyey madaxweyne Xasan

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh usoo jeediyey codsi yaab leh oo ku saabsan guddiyada doorashadda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba ee qabtay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Axmed Madoobe ayaa si weyn u amaanay doorkii uu guddiga doorashada ka qaatay doorashada Soomaaliya oo soo jiitameysay wax ku dhow laba sano, balse lasoo geba-gebeeyey 15-kii May markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud in uu abaal mariyo guddiyaddaas, islamarkaana guddoomiyaha guddiga iyo xubnaha kale laga qeyb geliyo dowladda cusub ee la dhisi doono.

Madaxweynaha ayaa sigaar ah u codsaday in xubnahasi sida gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenada guddiyadda doorashooyinka laga dhigo safiiro iyo sidoo kale loo dhiibo shaqooyinka ay qaban karaan, oo an la hilmamin.

Dadka qaar ayaa codsiga Axmed Madoobe u arka inuu ugu abaal gudayo guddoonka guddiga doorashada oo ka caawiyey inay u sharciyeeyaan xubnihii baarlamaanka 11-aad ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddiga doorashada ayaa go’aamiyey in doorashada kuraasta Gedo ee tiilay Garbahaarey loo weeciyo Ceelwaaq oo gacanta ugu jirta Axmed Madoobe, taasi oo ka saaciday inuu halkaas kasoo saaro xildhibaano taabacsan, meeshana ka saaro isku daygii madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa waxaa kadib muran geliyey xubno kale oo sheegtay xildhibaannimo oo laga soo doortay Garbahaarey, balse waxaa saaciday guddiga doorashada oo shahaado siiyey, kadibna albaabka ka xirtay xubnihii Garbahaarey.

Codsiga Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ahaa khudbadii uu xalay kaga hadlay isbadalka dalka ka dhacay iyo xaalada gobolka Gedo.