Axmed Madoobe oo Jubbaland ka mamnuucay in tubaakada la…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay digniin adag kasoo saaray dadka maan dooriyaasha qatarta leh ku beera beeraha ku yaala deegaanada Jubbaland.

Dadka digniinta adag loo jeediyay ayaa ah beeralayda ku nool deegaanada hoos taga degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo la sheegay iney tahay goobaha ugu daran ee tubaakada lagu beero.

Wasiirka amniga maamulkaasi C/rashiid Janan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay aqbali doonin Maandooriye dambe oo lagu beero deegaannada Jubbaland.

Si gaar ah wasiirka wuxuu sheegay in ay mamnuuc tahay in la beero maandooriyaha Tubaakada oo aad uga baxda deegaanno ka mid ah gobolka Gedo.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaan idiin sheegayaa in Tubaako dambe aan la beeri karin, dadka hadda ay u baxeyso hasoo goostaan, wixii ka dambeeya waa dambi ciddii lagu arko webiga ayaana looga shubi doonaa” ayuu yiri wasiirka.

Hadalkaan wasiirka amniga Jubbaland kasoo yeeray ayaa imaanaya xilli deegaanno badan oo gobolka Gedo aad loogu beero Maandooriyaha Tubaakada oo dad badan isticmaalaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com