Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay New York iyo khasaaraha

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

New York (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan  oo  ka dhacay xaafad lagu magacaabo Chelsea oo ku taalla degmada Manhattan ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.

kudhawaad 20 qof ayaa ku dhaawacmay sida ay sheegeen ilaha Caafimaadka magaalada New York ee dalka Mareynka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dhaawacyada dadka soo gaaray yihiin kuwo fudfudud marka laga reebo labo qof oo xaalad deg deg ah ku jira.

Gudoomiyaha gobolka New York oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxu uusan aheyn mid Argagixiso.

13 14 16 17 19