Xog: Shirka Jowhar oo isku bedelay goob looga faalloodo maslaxadda shaqsiyaadka uu kamid yahay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in goobta uu ka socdo shirka ay isku bedeshay mid looga arrinsado ololaha Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Shaqsiyaadka loolanka kula jira.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ergada shirka ay badi yihiin kuwo laga dhaadhiciyay taageerida Xassan Sheekh waxa ayna shirka u jaan rogeen mid ololo loogu sameynaayo Xassan Sheekh.

Nabadoon Maxamed Cali oo kamid ah Ergada ayaa sheegay inaanu garaneynin ujeedka ay u joogan magaalada Jowhar waxa uuna cadeeyay waxa ka socda Hoolka inuusan aheyn shir ee uu yahay goob lagu taageeraayo Xasan Sheekh.

Nabadoonka waxa uu tilmaamay in shirka ahmiyadiisa leyskala baxay, waxa uuna cod dheer ku sheegay in shirka uu isku bedelay mid lagu fulisto dano gaar ah.

Waxa uu sheegay in natiijo fiican aan laga soo saari doonin shirka Jowhar waxa uuna meesha ka saaray inay suuragal tahay in shirka ujeedkiisa uu yahay mid maslaxada Umadda ku jirta.

Nabadoonka waxa uu cod dheer ku sheegay in agaasinka guud ee shirka ay ka fiirsadaan waxa ka socda hoolka si loo meelmariyo ujeedka shirka.

Haddalka Nabadoon Maxamed Cali ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Jowhar ay ku sugan yihiin xubno Xassan Sheekh u wada ololaha doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com