Faarax Macalin “Go’aankii Xasan Sheekh aad ayuu igaga yaabiyey”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ee dalka Kenya qaarkood ayaa si weyn kaga soo horjeestay go’aankii Xasan Sheikh Maxamuud uu dib ugu fasaxay in jaadka laga soo dajiyaa magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu lumiyay karaamadii ay Soomaaliya laheyd kaasi oo soo laabtay markii jaadka la joojiyay.

Faarax Macalin wuxuu sheegay inuu ku farxay markii dowlada Soomaaliya ay qaadatay go’aankii jaadka lagu joojiyay balse uu ka naxay markii Xasan Sheikh habeen madow uu dib u fasaxay qaadka.

“Aad ayaan ugu farxay show Somalida sharaftii lagu yaqiini jiray ayeey soo ceshatay, Xasan Sheekh Maxamuud xoogaa sharaf buu ka tagay ayaan isla haa oo ah hadii Doorashada uu soo noqonaayo wax fican u noqon laheyd”

“Laakiin taasi ma aysan dhicin oo dib ayaa loo fasaxay qaadkii Sun waxa ay noqotay aanan naga hareyn, horta aduunka intiisa kale in la fahmay waxaan inay muqaadaraad yihiin oo laga joojiyay, waxaan ku fekeraayay dadka kenyan-ka ee beera in laga joojiyo oo wax bedel u ah loo raadiyo sida Qaxwada iyo Shaaha.” Ayuu yiri Faarax Macalin.

Maandooriyaha qaadka oo maalin waliba Soomaaliya ay ku bixiso dhaqaale fara badan, ayaa maalmihii uu xirnaa qaadka waxa ay sheegeen Kenya inay khasaare lacag fara badan oo Somaliya maalin waliba kaga imaan jirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com