Villa Somalia oo Jawi cusub gashay iyo siyaasiyiin isku biirsanaya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in halkaasi ay si xooli ah uga socoto diyaar garowga loogu jiro ololaha Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Diyaarinta qaababka loo wajihi lahaa Ololaha Xassan Sheekh ayaa waxaa Villa Somalia uga arrinsanaaya Guddiyo la sheegay in Madaxweynaha uu ololihiisa u xilsaaray kuwaasi oo dhinacyo badan ka eegaya ololaha Xassan.

Guddiyadaani oo u badan Siyaasiyiin caan ka ah dalka ayaa isla qoondeynaaya dhaqaalaha ku bixikara ololaha iyo qaabka ugu sahlan ee loo wajihikaro ka hor inta aanu la gaarin xiliga doorashada.

Waxyaabaha ay Guddiga isla jeex-jeexayaan ayaa waxaa kamid ah boorarka lagu xayeysiinayo Madaxweynaha ahna Musharax u taagan xilka Madaxweyninimo.

Guddiyadaani ayaa waxaa barbar socda dhalinyaro ka tirsan Xisbi Siyaasadeedka lagu xanto in Xassan Sheekh uu ka tirsan yahay kuwaasi oo Guddiga ka saacidaaya dhanka dhadhajinta Boorarka iyo la socodkooda.

Tani waxa ay jawi cusub u horseeday Madaxtooyada Somalia oo maalmahaani ka caaganeyd ololaha Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com