DF oo soo saartay amaro aysan musharixiin badan jecleysan doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aan saameyn weyn ku yeelan doona dhamaan musharixiinta Soomaaliyeed gaar ahaan musharixiin si weyn loo hadal haya oo dhawaan la filayo iney magaalada Muqdisho yimaadaan.

Maamulka gobolka ayaa ku amray gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir inaan degmadooda laga abaabuli Karin banaanbaxyo maamulka uusan ka warheyn, taasi oo la doonayo in lagu joojiyo banaanbaxyada musharixiinta lagu taageerayo.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka uu mamnuucay in banaanbaxyo Muqdisho lagu qabtaa.

Afhayeenka wuxuu sheegay in magaalada aan lagu qaban Karin banaanbaxyadaasi oo aysan ka warheyn dowlada Soomaaliya.

Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif iyo ra’isul wasarihiisii hore Farmaajo, waxaana la diidayaa in banaanbaxyo waaweyn loo qabtaa.

Dowlada ayaa horey u mamnuucday in hoteelada musharixiinta ku shiraan, wallow markii dambe loo ogolaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com