Axmed Madoobe oo dhex dhexaadinaya Gaas iyo General Muxiyaddiin xilli ay jirto cabsi DAGAAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmaha soo socda waxaa la filayaa in magaalada Garoowe ee maamulka Puntland uu gaaro madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo saaxiibo dhanka mucaaradnimada yihiin madaxweynaha Puntland C/welli Gaas.

Safarka madaxweynaha maamul goboleed Jubba ayaa leh wajiyo kala duwan, waxaana muhiimada koowaad tahay sidii labada maamul goboleed ay kaga tashan lahaayeen kasii mid ahaanshaha nidaamka federaalka oo dowlada Soomaaliya ku dhisan tahay.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo isku keenida madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Gaas iyo Sarkaal ka tirsanaa maamulkiisa oo ka goostay kana carooday arimo badan, sida uu warbaahinta u sheegay korneyl Muxudiin.

Labadii todobaad waxaa socon waayay qorshe la doonayay in la isugu keeno madaxweynaha Puntland iyo sarkaalka ka goostay, kana carooday mushaar la’aanta ciidamada maamulkaasi.

Lama oga waxyaabaha madaxweynaha maamulka Jubba uu ka badali karo khilaafka soo xoogeystay ee u dhaxeeyo madaxweynaha Puntland iyo sarkalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com