Xasan oo hurdada iska waayey iyo Turkiga oo…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka uu cafaimaad darro sheeganay islamarkaana uu iska waayay hurdada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu jahwareer Siyaasadeed ka qaaday Arrimaha la xiriira muranka badda, joojinta dhaqaalaha DF Somalia ay ka heli jirtay beesha Caalamka iyo arrimo kale oo aan iminka qoraal lagu soo bandhigi Karin.

Madaxweyne Xasan oo saaxiib u noqday dhafar iyo Jahwareer ayaa waxa ay xogtu sheegeysaa inuu ka go’ay nasiinada iyo jiifka taasina ay keentay in lagu jiifiyo dawo.

Saraakiil Caafimaad oo ka tirsan Turkiga ayaa la soo warinayaa in si gaar ah ay gacanta ugu hayaan Caafimaadka Madaxweyne Xasan waxaana jiro warar sheegaya in Madaxweynaha loo qoray nasiino badan.

Caafimaadka Madaxweyne Xassan ayaa ka duwan sidii hore waxa uuna xiligaani saaxiib u yahay xanuuno yar yar oo sababay buuqa iyo Siyaasada marba isbedeleyso ee ka taagan dalka Somalia.

Ma jirto xanuuno gaar ah oo iminka hayo madaxweynaha markii laga sootago kuwa yaryar ee uu ka qaaday jahwareerka Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com