Ciidamadii GAAS uu u diray General Muxiyaddiin oo soo gadooday (Gaas oo xaalka ku xun yahay)

Garoowe (Caasimada Online) – Xilli badi shaqaalaha Dowladda Puntland ka cabanayaan mushahar la’aan, ayaa waxaa shalay ilaa maanta magaalada Garoowe soo gaarey ciidamo gadoodsan oo kasoo baxay fariisimihii ay horay ugu sugnaayeen.

Ciidamada ugu badan ayaa kasoo guurey fariisin ay ku lahaayeen duleedka Garoowe ee dhanka magaalada Laascaanood xiga. Waxaa sidoo kale soo gadoodey qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa deegaanka Qarxis ee ay is hor fadhiyeen ciidanka Gen. Muxiyadiin, oo uu Gaas halkaas u diray.

Askarta ayaa dalbanaya in xuquuqdooda la siiyo, maadaama aysan muddo afar bilood  mushahar qaadan, waxaana tani ay culeeska kusii kordhineysaa Gaas.

Mas’uuliyiin dowladda ka tisran oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa ku hawlan sidii ciidamadaas loogu qancin lahaa inay dib ugu noqdaan goobihii ay soo banneeyeen.

Wararka hordhaca ah ee Caasimada Online ay heleyso ayaa sheegaya in dowladdu ballan qaadey inay bixin doonto kala bar xuquuqda ka maqan shaqaalaha, inta kalena dib laga siin doono.

Cabashada shaqaalaha dowladda ee la xiriirta mushaharaadka ayaa ahayd mid soo jiitamaysey laga soo bilaabo markii ay hoggaanka Puntland la wareegtey xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com