XASAN oo qorshihisa 2016 u sheegay JAWAARI!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Gdoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa kulan gaar ah ka yeeshay isbedelka Siyaasada dalka iyo Hanaanka lagu doonayo in Somalia looga hirgaliyo doorasho xor ah.

Labada Mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday hoos u dhaca ku yimid Siyaasada Somalia, dhaqaalaha iyo caqabadaha ka heysta dhanka Beesha caalamka, waxa ayna isla garteen in doorashada ka hor la kordhiyo waxqabadka DF si meesha looga saaro shakiga laga qabo hanaanka ay Dowladu ku maamuleyso Siyaasada Somalia.

Sidoo kale, labada Mas’uul ayaa ka arrinsaday qaabka loogu diyaar garoobayo doorashada, waxa uuna Xassan Sheekh uu Jawaari ku wargaliyay in marka hore ay kulamo la qaatan Odayaasha beelaha si loogu sheego qorshaha baarlaamaanka cusub ee dooran doona Dowlada imaan doonto, kadibna ay usii talaabaan dhanka doorashooyinka.

Xassan waxa uu Jawaari u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in marka hore meel lagu hubsado Baarlamaanaka hadda jira, waxa uuna xasuusiyay in nidaamka uu yahay in doorashada ka hor lasoo yagleelo Baarlamaan cusub, oo ay dhisayaan maamulada federaalka iyo DF taasina ay u baahan tahaay in laga fakaro.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka caga jiiday qorshaha Xasan, wuxuuna doonayaa in waqti loogu daro xildhibaanada hadda jira.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa haminaayo inuu mar kale qabsado xukunka dalka waxa uuna si qoto dheer uga fiirsanayaa qaababkii uu kusoo gali lahaa doorashada, waxa uuna iminka ku guda jiraa dhaqdhaqaaqyadii u sahli lahaa xukunka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com