Yaa qaatay lacagtii mushaharka ciidamada DFS? (Wasiirka gaashaandhiga oo xog xasaasi bixiyey)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan la xisaabtan ah ayaa waxaa wada qaatay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo gudiga amniga barlamaanka Soomaaliya, kaasi oo lagula xisaabtamayay wasiirka gaashandhiga iyo wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudiga amniga baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa sheegay in wasiirka gashaandhiga ay su’aaleen sababaha keenay in muddo ku dhow lix bilood aysan toos u helin dhaqaalaha ay xaqa u lahaayeen “mushaar”.

Xuseen Carab Ciise, wuxuu sheegay in wasiirka gaashaandhiga uu  u sheegay in dhaqaalaha loogu talo galay ay ka heleen dhanka wadamada Soomaaliya ka taageera dhanka ciidamada laakiin aysan ka bixin gacanta madaxda sare ee dalka, sida uu sheegay Carab Ciise.

Madaxda sare ee dowladda sida ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa muddo la rumeysnaa inay lacagtii ciidamada qaateen kuna fushteen arrimahooda gaarka ah, waxaana warka wasiirka gaanshaandhigga uu caddeyn u yahay arrimahaas.

“Wasiirka waan weydiinay mushaar la’anta ciidamada, wuxuu noo sheegay in dhaqaalaha uu dibada ka yimid laakiin gacanta Soomaalida laga bixin la’yahay, waana sii wadeynaa inaan la xisaabtannaa wasiirada amaanka xil saaran”ayuu yir Xuseen Carab Ciise.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaanan toos u helin mushaaradka ay lahayeen muddo ku dhow lix bilood, waxayna qaataan ku dhawaad 160 doolar halka ciidamada AMISOM bil kastaa toos loo siiyo mushaar ka badan 1000 Doolar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com