Shirkadahi ay Kenya u dirtay inay badda Somalia shidaal ka baaraan oo go’aan lagu farxo qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay Idaacada Afka Dowlada ee Radio Muqdisho, ayaa si cad u sheegay in dhamaan shirkadihii hishiiska la galay Kenya ee ku sugnaa biyaha murunka ka taagan yihiin ay isaga baxeen halkaasi.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in shirkadahaasi ay ganaaxyo kusoo rogeen dhawaan, ayna qaarkood isaga laabteen biyaha laakiin wali biyaha Soomaaliya waxaa ku jira shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga, sida uu Axmed Cali Daahir Qiray.

“Shirkadihii Ganaaxyada kusoo rognay  gabi ahaanba wey aqbaleen marka laga reebo shirkad laga leeyahay Talyaaniga, waxaa ugu dambeysay shirkada Total,marka shirkada Talyaaniga waxaan leeyahay isaga bax biyaha Soomaaliya”ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Axmed Cali Daahir Wuxuu sheegay isaga naftiisa uu tagi doono maalinta Isniinta maxkamada Hague halkaasi oo geyn doono cadeymo badan oo dhanka badda kusaabsan, si halkaasi ay kaga bilaabato rasmi ahaanshaha dacwada loo heysto Kenya.

“Aniga Hague ayaan tagayaa waxaana u tagayaa inaan cadeymaha hor dhigo maxkamada, waxaana dowlada Soomaaliya ay dooneysaa iney soo ceshato dhamaan biyaha badda ee Kenya ay xooga ku heysato”ayuu hadalkiisa kusii daray Xeer ilaaliyaha qaranka.

Kenya ayaa dhankeeda heysta muddo sideed bilood iney kusoo diyaariso jawaabta kaga aadan dacwada dhanka badda ee laga gudbiyay, waxaana dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doontaa bartamaha sanadka 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com