Dagaal culus oo socda & rasaas laga maqlaayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeyo Ciidamo ka tirsan DF Somalia.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu weli socdo islamarkaana labada garab ay isu adeegsanayaan hubka culculus, waxaana la soo warinayaa inuu jiro Khasaaro badan.

Sidoo kale Ciidamada Dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in ay kala dhex galeen Ciidamo ka tirsan Milatariga AMISOM, inkastoo uu weli dagaalku yahay mid socda.

Dadka deegaank ayaa kusoo waramaayo in dagaalka uu yahay mid salka ku hayo qoryo la kala qaatay, waxaana sidaa ku dhashay dagaalka.

Geesta kale, waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada Ciidan waxaana socda dadaalo lagu hakinaayo dagaalka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com