Maamulka Puntland oo GO’AAN cad soo saartay iyo baarlamaankooda oo isku raacay inay DFS…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka goboleedka Puntland ayaa kulan maanta ku yeeshay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxay ku qaateen go’aan laga filayay maanta Puntland oo ku saabsan arimaha federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo kulankooda kadib soo saaray qodobo dhowr ah ayaa waxay isku raaceen in Puntland ay ka fiirsato kasii mid ahaanshaha nidaamka federaalka Soomaaliya, waxaana loo yeeray madaxda ugu sareyso maamulka Puntland.

Waxaa kulanka maanta shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland Saciid Xasan Shire, wuxuuna sheegay in muddo seddex maalin ah uu socon doono shirka xildhibaanada baarlamaanka Puntland, kadibna goaano cad laga si qaadan doono dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanada Puntland ayaa sidoo kale u yeeray madaxweyne C/welli Gaas iyo ku xigeenkiisa C.kaiin Xaaji Cumar Cameey, waxaana la sheegay iney ka doonayaan iney su’aalo ka weydiiyaan waxyaabaha keenay dhaqan gelin la’an hishiisyada u dhaxeeya dowlada iyo maamul goboleedka Puntland.

Puntland ayaa horay kaga soo horjeesatay gudiyadii kala duwanaa oo ay sameysay dowlada Soomaaliya sida gudiga xuduudaha iyo gudiga doorashooyinka, kuwaasi oo baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen.

Naaneysta Puntland ee sanadkaan ayaa noqotay wax walbaa MAYA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com