27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Axmed Madoobe oo mar kale hanjabay & Shariif Xasan oo u bishaareeyey madaxweyne Xasan..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online):-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada kala guurka iyo Fashilkii ku yimid shirka Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan waxba u arag in mirro dhal wanaagsan aan laga gaarin shirka, balse uu aad uga xunyahay in Somali yar ay ka tashan la’ yihiin aayahooda.

Madoobe waxa uu tilmaamay in Jubbaland fashilka shirka Kismaayo ay kala xisaabtami doonto DFS, waxa uuna ku hanjabay in maamulkiisa uu go’aan kama danbeyn ah ka gaari doono DF isaga oo tusaale usoo qaatay sida maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in maskaxda lagu burburiyay shirka ay lahaayen shaqsiyaad gaar ah, waxa uuna wacad ku maray in shaqsiyaadkaasi ay wax ka weydiin doonaan arrintaani xili ay beesha caalamku goobjoog tahay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa uu ugu bishaareeyay guusha ay ka gaaren shirka Kismaayo.

Shariif Xassan waxa uu Xassan Sheekh kula taliyay inuu ka faa’iideysto wakhtiga uga harsan doorashada, waxa uuna cadeeyay in mowqifkooda uu ahaan doono 4.5.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa isagu ah mid taageersan qadiyada Madaxweyne Xassan, waxa ayna isla wadaan in maamulada ka caga jiidaaya 4.5 sandullo looga dhigo nidaamkaasi.

Dhanka kale, DFS ayaa guul u aragta burburka shirka Kismaayo, kadib markii madaxweyne Xassan Sheekh uu danta guud ka hormariyay danta gaar ahaaneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News