29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Xasan oo qorshe cusub u degay madasha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud uu wado qorsho uu ku daaweynaayo fashilkii kala eryay madaxda DF iyo kuwa Gobolada dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorshahaani uu Xassan Sheekh la kaashanaayo xubnaha Beesha Daarood ugu jira DFS waxa uuna ujeedku yahay in khilaafka iyo kala aragti duwanaanshiyaha lagu xaliyo kulamo gaar gaar ah.

Qorshaha lagu daweynaayo fashilka kulanka ayaa waxaa kamid ah in xalka lagu raadiyo shir aan la shaacin oo ay goobjoog ka noqon doonaan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Juhdiga lagu daweynaayo mushkilada taagan ayaa waxaa kaalinta ugu badan ka qaadan doona Wakiilada caalamka, waxaana jiro warar sheegaya in shirkaasi ay marti galin doonto QM, sida aan xogtu ku heleyno.

Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Jubbaland iyo Puntland ayaa sheegaya in madaxweynayaasha labadaasi maamul ay ogolaaden in Somalia lagu maamulo nidaamka 4.5.

Hadaba dadka Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya go’aanka ay beesha caalamku ka qaadan doonto arrimaha Soomaaliya gaar ahaan siyaasaddaha taagan xilligaan kala guurka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News