Xog: Shirkii Jowhar oo hakaday iyo fashil laga…

Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shirka magaaladaasi ka socda uu hakat galay kadib markii halkaasi aysan gaarin madax kala duwan oo laga filaayay.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka ayaa sheegay in shirka uusan iminka aheyn mid ku socda xooligii uu ku furmay, waxa ayna sheegen in taasi ay sabab u tahay shirkii ka socday magaalada Kismaayo ee lagu kala kacay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Shabeellaha dhexe, ayaa sheegay in caga jiidka taagan uu qeyb ka yahay kadib markii magaalada Jowhar laga sugaayay mas’uuliyiin farabadan kuwaasi oo u baaqday shirka Kismaayo aawgii.

Maamulka ayaa sidoo kale intaa ku daray in hakadka shirka ay sababtay wasiiro dhowr ah oo laga sugaayay Jowhar oo u gudbay magaalada Muqdisho, sababo la xiriira xal u raadinta fashilkii ku imaaday shirka Kismaayo.

Abuurkar Cali maqaney oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Federaalka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dhankiisa ka sheegay inay rajeynayaan in shirk la dar dar geliyo sidoo kalena ay ka soo qeyb gali doonaan madaxda iyo Ergada loogu talagalay Shirkaasi.

Geesta kale, Maamulka loo sameynaayo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa lagu wadaa in Dhismihiisa lasoo gaba gabeeyo ka hor Bisha Fabruary.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com