26.9 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Xog: Xasan oo ciidan cusub u iibgeynaya Yemen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho kawada qorsho dhigaaya in ciidamo cusub lagu biiriyo kuwa iminka Somalia ka jooga dalka Yemen.

Qorshahaani ayaa waxaa Madaxweyne Xassan Sheekh la daadihinaayo Safiirka Emirate-ka Carabta u fadhiya Somalia, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi iyo Saraakiil Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ka jooga Somalia.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Safiirka Emirate-ka Carabta uu Xassan Sheekh ka dalbaday 250 ciidan oo laga soo dhex xulaayo ciidamadii dhawaan ay tababareen Saraakiishii ka soctay Dowlada Imaaraadka kuwaasi oo ujeedka tababarkooduba ahaa in qaabab kala duwan loogu diro dalka Yemen.

Dowlada Boqortooyada ayaa iminka diplumaasiyii iyo Saraakiil usoo xil saaratay xulashada Ciidamadaasi, si ay uga soo dhex saarato tirro caafimaad qabta.

Dowlada Boqortooyada ayaa Ciidamada Milliteriga Somalia u adeegsaneysa isaga difaacida maleeshiyaadka xuuthiyiinta Yemen oo qalqal galinaaya amaanka Sacuudiga.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa Ciidamada Dowlada oo tirro iyo tayaba aan laheyn u adeegsanaaya qaab ganacsi waxa uuna bil waliba ku qaata dhaqaale aan lagu biirin qasnada DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News