24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Axmed Madobe oo ku dhawaaqay arrin muddo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa shaaciyay in dhawaan uu ku dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada ee maamulkiisa, oo muddo badan laga sugayay.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose wuxuu sheegay in muddo badan uu la maqnaa liiska golaha wasiirada maamulkiisa balse haatan la gaarin waqtigii kama dambeys ahaa ee lagu dhawaaqayay wasiirada Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland wuxuu sheegay in laga reysan doono nux nuxda badan ee laga maqlayay siyaasyiinta kala duwan iyo dadka Jubbaland, oo uu kala jeedo inuu wasiirada ku dhawaaqayo.

Hadalkaan ayuu Axmed Madoobe ku dhawaaqay kadib markii safar maalmo qaatay ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Axmed Madoobe ayaa markii uu tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose wuxuu dagay guriga Martida ee magaalada Kismaayo, waxaana laga sugayaa liiska wasiirada maamulkiisa oo muddo badan baarlamaanka muddo kordhin ay ugu sameeyeen soo dhisida wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News