32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

XOOSH oo bannaanka soo dhigay khaladaadka ugu weyn ee Xasan Sheekh uu ka galay Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya dhaliilo adag oo loo jeedinaayo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inuu baal-maray sharciyada dalka.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan looga baahan yahay inuu qirto inuu ku tuntay sharciga dalka, waxa uuna cadeeyay in khaladaadkiisa uu garankaro xitaa ruuxa aan dhaayaha laheyn.

Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh Maxamuud uu si ganbasho la’aan ah ugu tuntay sharciga taasi oo uu sheegay inay sabab u tahay garasho la’aan uu sheegay inay heysato Xassan Sheekh.

Xoosh ayaa Xassan Sheekh ku sifeeyay ruux digtaatoori ah oo mar waliba u taagan in dalka lagu maamulo rabitaankiisa khaldan, waxa uuna carab dhabay in Xassan Sheekh uusan raali ka aheyn in laga qabto khaladaadka jira.

Khaladaadka Xassan Sheekh ayuu tusaale ugu soo qaatay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyihii maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf isaga oo xil ka qaadistaasi ku sheegay inay aheyd mid sharci daro ah oo Madaxweynaha ku hareermaray Dastuurka.

”Haddii loo baahan yahay in dalka uu helo isbedel waxaan Xassan Sheekh ka dalbaneynaa inuu cadeysto khaladaadka iyo Dastuurka uu ku tumanaayo, haddii uu isla saxan yahay isaga iyo dalka ayey dhibeysaa”

Waxa uu intaa ku daray Xildhibaan Xoosh in ayaan darro ay tahay in sharciga dalka oo idil uu noqdo mid uu iska maamusho shaqsi.

Dhanka kale, Xildhibaan Xoosh ayaa ka digay heerka uu la ekaan karo Musiibada ka dhalankarto ku tumashada Xassan Sheekh uu ku tumanaayo Dastuurka, sida uu Xildhibaan Xoosh warka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News