Axmed Madoobe oo ku gacan seeray dalabkii beesha caalamka (Ma ahan arrin diini ah)

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa soo shaac baxay khilaaf ka dhex taagan Guddiga dadban iyo maamulka Jubbaland oo ku saabsan arrimah doorashada.

Khilaafkan ayaa salka ku haya arrinta qoondada haweenka oo Jubaland ay ka gaabisay, isla markaana aan weli isbedel ku sameynin liiskii lagu celiyay.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa fuliyay dalabkii Guddiga iyo Beesha caalamka, waxayna wararku sheegayaan in madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan uu gebi ahaanba ka horjeedo qoondada iyo kuraasta sida gaarka ah loogu qorayo haweenka.

Axmed Madoobe oo horey uga tirsanaa kooxaha xagjiriinta ah ayaa aaminsan in qoondada haweenka ay tahay arrin ka baxsan diinta Islaamka.

“Wuxuu ku doodayaa in arrintan ay kasoo horjeedo shareecada, balse waxaan filaa inay tahay mid siyaasad ah, waayo maamulkiisaba waxaa ka buuxa haween” Waxaa yiri qof ku dhow Axmed Madoobe oo codsaday inaan la magacaabin.

Guddiga Doorashada dadban ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ka dalbaday Maamulka Jubbaland inay isbedel ku sameeyaan liiska musharixiiinta Aqalka sare si degdeg ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com