Xog: Damul-Jadiid oo u kala dab qaadeysa Xasan iyo CC

Caasimada Online  – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ka tirsan DFS ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu guddi u xilsaaray xalinta khilaaf Siyaasadeedka kala dhexeeya Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid.

Guddiga loo xilsaaray xalinta khilaafkaani ayaa la sheegay inay ka dhex shaqeyn doonaan labada mas’uul oo maalmihii ugu danbeeyay xiriirkooda uu xumaa.

Guddigaani oo u badan saaxiibada Xassan Sheekh ayaa waxa uu ujeedka ugu weyn ee loo sameeyay uu yahay in Cumar C/rashiid ay ku qanciyaan inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa, maadaama khilaafka uu ahaa mid ka bilowday ku dhawaaqida Sharmaarke uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa.

Howlgalinta Guddigaani ayaa bilaabaneysa marka uu Cumar C/rashiid kasoo jeesto xalinta colaadaha ka dhex oogan maamulada Galmudug.
Xassan Sheekh ayaa ku dadaalaya sida uu Cumar C/rashiid uga dhaadhicin lahaa mowqifka ku aadan musharaxnimadiisa.

Dhinaca kale, Khilaafka labada mas’uul ayaa imaaday kadib markii Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid uu ballanta uga baxay Xassan Sheekh taa oo aheyd in Sharmaarke uusan isku soo taagi doonin xilka Madaxweyninimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com