Galmudug oo si jees-jees ah uga jawaabtay hadalkii beesha caalamka

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay aheyd QM ay ku baaqday in Liiska Aqalka Sare laga saaro shaqsiyaadka dagaal oogayaasha ah ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in faragalinta QM ay gaarto heer ay amar ku bixiso in muwaadin Soomaaliyeed laga saaro liiska Aqalka Sare.

Casir waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Galmudug ay aqbasho in Cabdi-Qeybdiid laga saaro liiska waxa uuna sheegay in QM aysan awood u laheyn inay dalbato in muwaadin laga saaro liiska.

Casir waxa uu sheegay in Cabdi-Qeybdiid ay doorteen Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna tilmaamay in iyaga xitaa aysan awood u lahe
yn inay ka saaran marka laga soo tago dalabka QM.

Guddoomiye Casir waxa uu sheegay in Galmudug ay iyada garaneyso waxa u wanaagsan, sidaa darteedna aysan diyaar u aheyn faragalin banaanka ah.

”Ma saamaxeyso inaan qaadano talada QM waayo shaqsiyaadkani waxaa soo doortay Baarlamaanka awoodna uma lihin inaanu faragalino, iska daaye QM xitaa madaxda ugu sareysa ayaan faragalin ku sameynkarin maadaama uu Baarlamaanka doortay”

”Waan ka cudur daaraneynaa fulinta dalabka QM waayo dadkaani iyaga ayaa yaqaan waxa u roon”

Sidoo kale, Guddoomiye Casir waxa uu cadeeyay in dalabka QM uusan saameyn ku yeelan doonin horusocodka Galmudug.

Haddalka Casir ayaa imaanaya iyadoo wakiilka QM u qaabilsan Somalia uu ku baaqay in liiska Aqalka Sare laga saaro shaqsiyaadka horay uga qeybqaatay burburka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com