Xog ka cusub xiisada Gaalkacyo iyo ciidamada labada dhinac oo…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa wali ciidamada Galmudug iyo Puntland ay isku horfadhiyaan galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Saaka xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid aan cago buuran ku taagneyn, waxaana ciidamada mar kastaa laga fileysan karaa dagaal ka dhaca magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada waxaa ka dhacayay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dad fara badan ayaa maalmihii u dambeeyay ka barakacayay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com