Sawirro: Jowhar oo lagu kala iibsanayo codadka iyo musharaxiinta oo…

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jowhar ka socda ololo xoogan oo u dhexeeya Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee maamulka HirShabelle.

Madaxweynayaasha ku loolamaaya Xilka Madaxweyninimo ayaa iminka wada qaadanaaya kulamo degdeg ah kaasi oo ay isku weydiisanayaan tanaasul maadaama doorashada ay goordhow dhaceyso.

Waxa ay sidoo kale, kulamo la qaadanayaan qaar kamid ah Xildhibaanada si ay u siiyaan codadkooda.

Musharaxiinta u tartameysa Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa ay iyaguna kulamo aan caad la leh Odayaasha si ay taageero dhanka codadka ah ugu muujiyaan.

Doorashada ayaa waxaa la filayaa inay dhacdo gelinka dambe ee maanta waxaana iminka fursado la siinayaa Musharaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen uu yeesho maamulkaas.

Dhammaan musharixiintan ayaa si isku mid ah waxa ay u ballanqaadeen inay wax ka qabanayaan arrimaha amniga, horumarka iyo cadaalada.

Sidoo kale, waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxtooyada Somalia ay lacago aad u xoogan ku bixineyso Xildhibaanada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa dooranaaya si aan maamulkaasi u qaban qof kasoo horjeeda Dowlada Xasan Sheekh.

Lacagaha ay qaadanayaan Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay kordheyso maadaama Musharaxiinta ay is faliseyso.

Xilka Madaxweyninimo ayaa waxaa u tartameysa:

1-Cali Cabdulaahi Cosobe

2-Cali Maxamed Caraale

3-Maxamed Cabdi Waare

Xilka Madaxweyne ku-xigeenka maamulka ayaa waxaa u tartamaaya:

1-Cali Cabdullahi Xuseen

2-Cali Xasan Taakow
jowhar-caraale-1

jowhar-cosoble-2

jowhar-gudlawe

jowhar-taakow

jowhar-waare-1