Xog: Shariif Xasan oo musharax madaxweyne ah (Walaac soo wajahay Xasan Sheekh)

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan uu magaalada Baydhabo kaga dhawaaqo inuu yahay musharax la loolamaaya Xasan Sheekh.

Shariif Xassan ayaa shaacin doono inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Somalia, waxa uuna soo bandhigi doonaa waxa uu qaban doono haddii uu doorashada ku guuleysto.

Shariif waxaa la sheegay inuu aad ugu raja weyn yahay inuu kusoo baxo doorashada la filayo in ay dhacdo Bisha November ee Sanadkaan.

Shariif Xassan ayaa waxa uu xilka Koonfur Galbeed usii dhiiban doonaa walaalkii Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer oo kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Qorshaha Shariifka ayaa ah mid cusub oo uu ku doonayo in beesha Digil iyo Mirifle ay hanato mid ka mida xilalka Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha. Qorshahan oo Shariifka u shaqeyn waayay Doorashadii 2012.

Magaalada Baydhaba ayaa noqotay goobta ugu badan ee lagu dooranayo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, taasoo rajo gelisay Shariif Xasan.

Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Xasan Sheekh ayaa ku fashilmay inuu taageero ka helo Shariif Xasan oo shuruud uga dhigay inuu isbaheysi siyaasadeed la galo, taasoo keentay inuu candhuuftiisa dib u liqo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com